Wararkii ugu dambeeyey qarax lala eegtay xubin kamid ah Guddiga Doorashooyinka

JOWHAR-AYAAMAHA-Wararkii dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu saarnaa xubin kamid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo lagu magacaabo Mahad Cumar Cabdi oo maalmahan joogay Jowhar.

Dad ayaa waxaa ay ku soo warrameen in qaraxaas Eng. Mahad Cumar gaariga uu saarnaa ku qabsaday, inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha Magaaladaas, xili uu socdaal ku marayey, kana yimid dhanka Magaalada.

Waxaa jiro khasaaro soo gaaray illalada, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho. labo askar ilaalo aheyd ayaa ku dhimatay qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa durbo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana halkaas kasoo qaaday Meydka labada Askari ee geeriyootay, sidoo kalena goobta laga kexeeyay gaariga la qarxiyey oo qeyb kamid ah burbur gaaray.