Wararkii ugu dambeeyey Qarax sababay dhimasho oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qarax ayaa goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Siinaay, waxaana laga kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan qaraxaasi.

Qaraxa oo aaha mid jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha iyo qaar ka mid ah degmooyinka muqdisho, waxaaa uu ka dhacay aga-gaarka Isgoyska Siinaay, gaar ahaan Baar Jiddo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in Qaraxaasi ka dhashay Gaari walxaha Qarxa lagu soo xiray oo halkaasi ku qarxay, waxaana dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in Gaarigu qarxay xili uu Baakin ku jiray.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Wadihii gaariga oo kaliya uu ku geeriyooday, mana lasoo sheegin khasaaare kale oo intaas dhaafsiisan.

Halka uu Qaraxu ka dhacay waxaa gaaray Ciidanka amaaanka, kuwaasi hakad galiyay isku socodka guud ee isgoyskaasi, mana jirto wax faah faahin ah ciidamada ammaanka ay ka bixiyeen qaraxaas gaariga lagu xiray iyo ciddda sida gaar ah loola beegsaday.