Wararkii ugu dambeeyey qaraxa lala beegsaday Farxaan Qaroole

MUQDISHO-AYAAMAHAFaah faahino dheeraad ah ayaa laga helaya qarax Is-miidaamin ah oo daqiiqado kahor ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo jugtiisa siweyn looga maqlay degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray gaadiid uu la socday Taliyah Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, xili uu marayay wadada.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay qaraxaasi, waxaana qoraalka lagu sheegay in taliyaha uu ka bad-baaday qaraxa.

Sidoo kale taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro khasaare xoog-leh oo ka dhashay qaraxaas, kaas oo leh dhimasho, dhaawac iyo burbur intaba.

“Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud, Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu ku reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo,” ayaa lagu yiri warka kaso baxay talis Booliska.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ka badbaaday Taliyaha Booliska Gobolka Farxaan oo la tilmaamay in lala beegsaday kolonyo uu la socday.

Gurmad xoogan oo loo sameeynayo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxaas ayaa ka socda aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa halkaas isku gadaamay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad.