Wararkii ugu dambeeyey qaraxii ka dhacay Boosaaso.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Boosaaso, gaar ahaan Maqaayad lagu shaah cabo oo ku taalla agagaarka xaafadda Macruuf ee Boosaaso, waxaana xiligaas ku sugnaa oo ku shaah cabayay Rag oo mar kasta goobta isugu tegi jiray.

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday qaraxaas ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, halka dad kalena ay waxyeelo dhaawac soo gaartay, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Maamulka Puntland.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in laamaha amniga Magaalada ay wadaan howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee galabta ka dhacay Boosaaso, sidoo kalena ma jiro wax faah faahin oo laga bixiyey qaraxa.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa horey uga dhacay qaraxyo kala duwan oo isugu jiray miino iyo kuwa Is-miidaamin ah iyo dilal qorsheysan, waxaana inta badan falalka amni darro ee halkaas ka dhaca sheegta Al-shabaab iyo Daacish.