Wararkii ugu dambeeyey qaraxyadii lagu weeraray Wasaarada Waxbarashada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Faahfaahin hordhac ah ayaa soo baxaya oo ku aadan baaxada ka dhashay weerarka lagu qaaday xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ayaa duhurnimadii maanta lagu qaaday dhismaha xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ku taalla nawaaxiga isgoyska soobe ee magaalada Muqdisho.

Dadka la xaqiijiyay inay qaraxyada ku dhinteen ayaa waxaa kamid ah Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hodan & Wariye Maxamed Ciise Koonaa oo kamid ahaa Wariyeyaasha Tv-ga M24 Somali tv, halka ay ku dhaawacmeen Agaasimaha Tv-ga Cabduqaadir Ok, Feysal Cumar oo ah Sawir qaade & Wariye Ciise Cabdi Ciise oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada.

Sidoo kale madaxda sare ee wasaaradda ayaa ka maqnaa xafiiska, sida wasiirka wasaaraddaasi Faarax Sheekh Cabduqaadir, wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda, xilliga uu dhacayey weerarka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow wasaaradda waxbarashada.

Gaadiidka Ambalaasta ah ayaa weli daabulaya dad dhaawacyo kala duwan qaba ee ku dhaawacmay waxaana goobta ciidamada amniga ay xireen agagaarka in loo dhawaado xarunta wasaaraddaasi.