Wararkii ugu dambeeyey Shil khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shilkaan ayaa ka dhacay isgoyska hotelka towfiiq ee degmada Yaaqshiid kadib markii ay isku dhaceen gaari BL ah iyo gaari nooca dhagaxlaha ay Sooomaalida u taqaano.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in shilka uu ku geeriyooday hal qof sidoo kalena ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale.

Qofka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaantood haystay gaariga BL-ka ah waxaana loo qaaday isbitaalada magaalada muqdisho.

Shilka ayaa yimid kadib markii gaariga dhagaxlaha ah oo ah gaari ay leedahay mid ka mid shirkadaha ka shaqeeya arimaha dhismooyinka kana yimid dhanka iyo Baar ubax uu ku dhacay gaariga BL-ka ah oo usocday dhanka isgoyska Afarta jardiino.

Goobta ayaa durbadiiba waxa gaaray Ciidamada ilaalada wadooyinka ee looyaqaan Taraafikada si ay u kala qaadaan gaadiidka isku dhacay oo wadada Mashquul  ka dhigay.

Inta badan waxaa soo noqnoqda shilalka ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana sabab u ah jaamka magaalada iyo taxadir la’aanta daraawaliinta wada gaariga noocyadiisa kala duwan.