Wararkii ugu dambeeyey shirka golaha wadatashiga iyo dooda ugub adag ee maanta horyaala.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah xarunta teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ka socda Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda 5-ta Dowlad Goboleed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka oo shalay furmay ayaa diirada lagu saarayaa arrimo ay kamid yihiin, amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doodaha shirka ayaa ah kuwa xoogan, waxaana la filayaa in maanta lagu soo qaado dib ugu laabashada habraacyada doorashooyinka ee horay loo soo saaray iyo sidoo kale arrinta deegaan doorashada oo ah mid xasaasi ah.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada qaar ay u ololeynayaan in lagu soo koobo doorashada hal magaalo, waxaana ololahaas horkacaya Saciid Deni oo xiisad xoogan ay ka heysato Boosaaso. Axmed Madoobe & Guudlaawe ayaa sidoo kale la mid ah.

Dhinaca kale waxaa shirka ku biiri doono xubnaha beesha caalamka iyo kuwa midowga musharixiinta, si loo dhageysto talooyinkooda ku aadan caqabadaha haatan taagan.

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo sii socon doona ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aano la xiriira waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan inay wax ka bedelayaan habraacii ay horay u soo saareen.