Wararkii ugu dambeeyey shirka Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxdii hore ee ka socda Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dalka ayaa goordhow ka furmay Muqdisho, waxaana diiradda lagu saarayaa qaar kamid ah qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ugu dambeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka bixinayay xaaladda guud ee dalka iyadoo uu sidoo kale madaxda la wadaagi doono aragtida dawladda ee qorshaha fog ee dalka.

 

Madaxdii hore ayaa madaxweynaha la wadaagaya wixii aragti ama su’aalo dheeraad ah oo ay qabaan iyagoo sidoo kale soo jeedin doona wixii talo ah ay qabaan.

Shirkaan waxaa goob joog Madaxweyne hore, Raysal Waraashii hore, Guddoomiyaashii hore ee BFS, Wasiirro hore iyo Xildhibaano katirsan BFS. Sida aan xog ku helnay labada qodob ee aadka loo diidan yahay ayaa ah muddo korarsiga iyo in xisbiyada tartanka doorashada ka qeybgalaya lagu soo koobo 2 xisbi

Shirka waxaa Goobjoog ka ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, Cabdiwali Gaas, Cumar Cabdirashiid, Kheyre, Rooble. Sidoo kale waxaa jooga Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari.