Wararkii ugu dambeeyey Taalibaan oo gudaha u gashay magaalada Kabul iyo rasaas laga maqlayo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka laga helayo dalka Afganistan ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah haatan laga dareemayo gudaha magaalada Kabul ee caasimada dalkaasi, sidoo kalena laga maqlayo rasaas xoogan, sida ay warineyso warbaahinta.

Xoogaga Taalibaan ayaa wararka qaar waxa ay ku warramayaan inay afar jiho ka galeen caasimada, ayna sidoo kale isku fidiyeen agagaarka magaalada oo dhan.

Cabsi aad u xoogan ayaa haatan ka taagan Kabul, waxaana sidoo kale la xiray dhammaan xafiisyadii dowladda iyo xarumihii ganacsiga, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Daalibaan ayaa ku amartay dagaalyahannadooda inay ka fogaadaan inay rabshado ka geystaan ​​caasimadda Afqaanistaan ​​ee Kabul, ayna u oggolaadaan marin ammaan ah qof kasta oo rabo inuu baxo magaalada

Calanka Kooxda Daalibaan ayaa laga taagay mid ka mid ah Degmooyinka ka tirsan Caasimadda Kabul oo aan ka fogeyn Jaamacadda Kabul University.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Afganistan waxay xaqiijisay inay Daalibaan soo galeen qeybo ka mid ah Kabul