Wararkii ugu dambeeyey weerar ay Al shabaab ku qaadeen Saldhig kuyaalla Galgaduud

DHUUSAMARWEB-AYAAMAHA-Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Al-Shabaab saaka ay weeraro ismiidamin ah ku ku qaadeen saldhig miltariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dagaal culus ayaa saaka salaaddii subax kadib ka bilowday deegaanka Qaayib oo qiyaastii dhowr iyo soddon kiiloomitar u jira magaalada Baxdo, waxaa la sheegay in labo gaari oo lagu soo raray walxaha qarxa lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka oo taaageero ka helayo militeriga Soomaaliya ee fadhigeedu yahay deegaankaas.

War kasoo baxay Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda Qeybahooda kala Duwan ee kusugnaa halkaas ayaa ku guulaystay iney fashiliyaan mid kamida qaraxyadaas halka midka kale uu ku qarxay ciidamada agtooda.

Qaayib waxay kamid aheyd meelihii dhawaan laga saaray Al-Shabaab, ciidamada deegaanka oo garab ka helaya ciidamada dowladda ayaa qabsaday deegaanka oo ay dhowr iyo toban sano ka talinayeen Al-Shabaab.

ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah lagama hayo weerarka inkastoo Al-Shabaab ay saaka galeen oo ay gacanta ku dhigeen deegaanka Qaayib, basle la sheegay inay dib u qabsadeen degaanka Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay.