Wararkii ugu dambeeyey weerar lagu qaaday masjid ku yaala Afgooye

A Somali soldier patrols a street following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia, October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in weerar hubeysan lagu qaaday masjid ku yaal magaalada Afgooye,iyadoo weerarkana uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan oo dhacay xalay xilli lagu jirey salaadii cishaha ayaa waxaa ku dhintey hal ruux halka saddex kale oo ka mid ahaa dadkii ku tukanayay masjidka.

Lama oga cidda ka dambeysay weerarkan lagu qaaday masjidka ku yaal magaalada Afgooye, waxaana goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay weerarkan aan noociisa hore loogu arag magaalada Afgooye.

Weerarada lagu qaado dadka ka soo baxaya masjidka xilliyada salaada ayaa ku soo badanaya dalka Soomaaliya iyadoo xalay lagu diley magaalada Beledweyne nabadoon ka mid ahaa duqeyda magaalada Beledweyne xilli uu ka soo baxay salaada cishaha kuna sii jeeday gurigiisa.