Wararkii ugu dambeeyey xaalada caafimaad ee Afhayeenka Xukuumada oo qarax lala eegtay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qofka lagu soo Xiray Walxahaha Qarxa ayaa Isku Qarxiyay Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ahaa Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya ayaa ku Dhaawacmay Qarax Ismiidaamin ah Oo ka Dhacay Wada Maka A-lmukarama.

Booliska Soomaaliya ayaa Sheegay in Qof is miidaamiye ah uu is ku qarxiyey gaari u watay afhayeenka XFS maxamed Ibraahim macalimuu.

Macalimu ayaa ka badbaaday dhowr qarax, waxaana ka mid ahaa.

1: weerarkii Hotel Jaseera ( Dhaawac )
2: weerarkii maqaayadii Liido ( Dhaawac )
3: weerarkii Hotel maka al Mukarama ( Dhaawac )
4: Qaraxii Hotel Elite Wuu ka badbaaday wax dhaawac ahna kama soo Gaarin
5: ugu dambaynta maanta ayaa Nin is miidaamiye ah isku qarxiyey Gaari uu watay xilli uu marayey isgoyska dabka waxaana soo Gaaray dhaawac Fudud.