Wararkii ugu dambeeyey Xafladda dhaarinta iyo Xildibaano kusii qul qulaya Afisiyooni.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa socda diyaar garowga munaasabada xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka 11aad lagu dhaarinayo inkastoo dib udhac dhinaca wakhtiga ah uu yimid.

Waxaa la filayaa in maanta la dhaariyo inka badan 200 oo mudane oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, kuwaas oo maalimihii lasoo dhaafay qaatay shahadada xildhibaannimada.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale filayaa inuu goob-joog ka noqdo xafladda dhaarta, waxaana sidoo kale Muqdisho maanta soo gaaray Xldhibaannada Koonfur Galbeed laga soo doortay, kuwaas oo qaadanaya shahaadada si ay dhaarinta uga qeyb galaan.

Ciidamo badan ayaa la geeyey teendhada Afisiyooni si looga hortego wax kasta oo fadqalalo abuuri kara,iyadoo marxalada kala guurka oo laga gudbo ay tani qeyb ka tahay xaflada dhaarinta xildhibaanada.

General Saadaq John,Maxamed Ibraahim Macalimuu,Mustaf Dhuxuloow iyo C/rashiid Maxamed Xiddig xildhibaano ay ka mid yihiin ayaa hadda kusugan hoolka dhaarinta ka dhici doonta.

Waxaa la sugayaa xildhibaanada kale inay soo dhameystirmaan si dhaarinta ay hal mar udhacdo,iyadoo dadka ay isha kuwada hayaan munaasabadaasi iyo khudbada uu RW Rooble jeedin doono.