Wararkii ugu dambeeyey xariga Sheekh Shantay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sheekh Shantaay oo baraha bulshada caan ka ah ayaa maanta lagu xiray Saldhiga Dagmada Hodan waxaana wax laga weydiiyey hadal uu sheegay ee ahaa in Demada Hodan ay ciyaal Weero u taalo Isbaaro.

Shantay ayaa shaaciyay in ciyaal Weero ay  lacagta dhan $8 oo canshuur ah ay ka qaadaan gawaarida Xamuulka ee marta Taleex kuna sii jeeda Bakaaro

Sidookale waxaa la weydiiyay Taliyaasha isaga handaday ee Muqdisho ee jooga Ragga ay yihiin , Waqtiga ay soo waceen iyo lambaradii ay ka sowacen.

Ugu dambeyn waxaa loo soo bandhigay laba qodob  in uu kala dorto, tan koowaad oo ah inuu saxafada horteda ka beeniyo warkii beenta ahaa ee in ciyaal weerada ay Degmada Hodan isbaaro u taalo iyo

Tan labaad oo ah in Maxkmad loogud biyo Kiiskiisa oo cadaalad lamarsiiyo heerka ciqaabta uu maro.

Go’aanka Shantaay wuu diiday in uu beeniyo warkiisa Taliyaha saldhiga ayaa amray in uu ku jiro doona xabsiga ilaa labadaas mid uu doorto.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Sheekh Shantay la sii daayey, wuxuuna sheegay in muuqaalka lagu haysto la duubay Soonkii lkn warbaahinta ay maanta sii deysay.

Waa nin baraha Bulshada dhowaan soo galay hadane dhakhso caan ku noqday.