Wararkii ugu dambeeyey Xariga Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo waxyaabaha lagu haysto

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaannada Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress ka ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in maanta lagu xidhay magaalada Washington ee caasimadda Maraykanka.

Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad katirsan Baarlamaanka Maraykanka ayaa la xiray iyadoo dibad-bax ka dhigaysa bannaanka Maxkamadda Sare ee dalkaas.

Ilhaan ayaa marka la qabtay ka mid ahayd dad u muddaharaadayey xeerka ilme iska soo ridista oo dhowaan garsoorka dalkaasi uu laalay. Iyada oo xildhibaannadu ka mida dadka sida weyn u diidanaa in dumarka laga hor istaago iska soo ridista uurka taas oo ay ku sheegtay xaquuq aasaasiya oo ay leeyihiin.

Ilhaan oo ah gabar Soomaaliyeed oo Muslimad ah ayaa waxay ku doodeyso aan ogoleyn diinta Islaamka oo ah in ilmo calool ku jiro inta lasoo rido la dilo. Arrintaan ayaa dad badan oo Soomaaliyeed la yaabeen in gabar Muslim Soomaali ah ay sharciga islaamka baalmarto.