Wararkii ugu dambeeyey xildhibaan ka badbaaday isku day dil

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaan Ibraahim Gaduudoow oo ka tirsan Baarlamaanka 2 aad ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ka badbaaday rasaas la huwiyay gaari uu watay.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday waddada aada Maxkamadda Gobolka Banaadir ama Xabsiga Dhexe, Xilli kolonyo Ciidan ah oo halkaas marayay ay rasaas ku fureen gaari uu watay xildhibaankaan.

Xildhibaanka ayaa la sheegin inaan soo gaarin wax dhaawac ah uuna caafimaad qabo, balse Ciidankii rasaasta ku furay ay goobta iskaga baxsaday falka kaddib.

Ma ahan markii ugu horreysay ee waddan ay dhacdooyin noocan oo kale ah ay ka dhacaan, Waxaana horay loogu xabbadeeyay Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish iyo Guddoomiyo Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Dayniile.