Wararkii ugu dambeeyey Xildhibaano maanta lagu doortay Muqdisho

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Somaliland oo billaabay diiwaangelinta musharixiinta
Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Somaliland oo billaabay diiwaangelinta musharixiinta

MUQFISHO-AYAAMAHA-Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa shaciyay Natiijada Hordhaca ah ee kuraasta tirsigoodu yahay HOP#226 iyo Hop# 118.

Kursiga Hop#226 waxaa ku wadda tartamay Musharixiinta kala ahaayeen

  1. Musharax xildhibaan, Marwo Maryan Maxamed Ciise
  2. Musharax Xildhibaan, Marwo, Khadiija Cali Warsame

Khadiija Cali Warsame ayaa ka tanaasushay tartanka Doorashada waxaana Maryan Maxamed Ciise loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 98 Ergay, waxa ayna heshay 95 cod oo codka kalsoonida ah, 3 qof ayaa ka aamustay.

Sidoo kale  Guddiga Doorashada ayaa shaciyay Natiijada Hordhaca ah ee kursiga tirsigiisu yahay Hop#226 oo ay kuwadda tartamayeen Musharixiinta kala ahaayeen.

1.Dr Maxamed Elmi Ibraahim

2.Abdiraxmaan Cismaan Xuseen.

Abdiraxmaan Cismaan Xuseen ayaa ka tanaasulay tartanka Doorashada.

Musharax Xildhibaan Dr Maxamed Elmi Ibraahim  ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 98 Ergay, waxa uuna helay 92 cod oo codka kalsoonida ah, 6 qof ayaa ka aamustay.

Guddiga ayaa shegay in ay ku guuleeysteen labadda kursi ee ilaa hadda Doorashadoda la qabtay Dr maxaee Cilmi Ibraahim oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay Hop-226 iyo Maryan Maxamed Ciise oo iyadana ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay Hop#118.