Wararkii Ugu Danbeeyay Dad Ku Dhintay Dadaad Xooggan Oo Ku Rogmaday Magaalada Qardho

Waxaa xalay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland kusoo rogmaday daadad xooggan oo geystay khasaaro isugu jiray mid nafeed iyo mid hantiyadeed intaba, sida ay kusoo warramayaan dadka deegaanka magaalada.

Dadaadka kusoo rogmaday Qardho ayaa yimid, kadib markii illaa saddex tog oo magaalada ku soo dhaca ay biyo farabadan meelo fog ka keeneen, isla markaana kusoo rogmadeen inta badan xaafaddaha magaalada oo weli dhex ceegaagan biyaha.

Boqolaal dad ah oo kamid ah kuwa degan xaafaddaha Qardho ayaa la arkayey, iyaga oo ku go’doomay guryaha ay magaalada ka degan yihiin, kuwaasi oo loo sameeyay gurmadyo lagu soo badbaadinayo, sida lagu arkayey muuqaalo lagu baahiyey baraha Bulshada.

Inta la xaqiijiyey laba qof oo da’ ah ayaa ku geeriyooday dadaadkii xoogganaa ee xalay kusoo rogmaday Qardho, waxaana sidoo kalena burbur xooggan gaaray guryo badan oo ay shacab daganaayeen, iyadoo dadku xalay banaanada waaga ugu baryay.

Bishii April 2020, daadad xooggan oo ku soo rogmay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa geystay khasaare weyn, waxaana shacabka Soomaaliyeed gurmad dhan walba ah u fidiyeen shacabka Qardho.