Wararkii ugu guuxa Golaha Shacabka ee maanta la horgeynayo Ra’isul Wasaare Xamse

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo  sabtida codka kalsoonida u qaadaya Ra’iisul wasaaraha magacaaban, Xamse Cabdi Barre.

Kulanka Xildhibaannada ayaa waxaa uu ka dhacaya Xarruunta Kumeel-gaarka ee Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, sida lagu shaaciyay farriin loo dooray Xildhibaannada.

Maalintii Arbacada ee la soo dhaafay ayaa lagu waday in la qabto kulan kalsoonida loogu qaadayo Ra’iisul wasaaraha magacaaban, balse waxaa uu u baaqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shiikh Aadan Madoobe oo dalka ka maqnaa.

RW cusub ayaa qorshaha uu ahaa in la hor geeyo golaha shacabka Todobaadkii lasoo dhaafay balse madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa ku maqnaa safar dibadda ah.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa horey Ra’iisul wasaare Xamza igu balan qaadeen inay codka kalsoonida ay siin doonaan kdib markii kullamo gaar gaar ah uu la yeeshay maalmihii la soo dhafay.