Wararkii ugundambeeyey dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya degmada Deyniile ayaa waxaa uu sheegayaa in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo kala taabacsan Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Waaxda xaafadda Daaru-salaam dhinaca xiga degmadaas ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay gudaha Degmadaas.

Daagaalka ayaa sida la sheegay waxaa uu salka ku haaya arrimo la xiriira muran dhul la isku heysto, waxaana dagaalka inta uu socday dadka degaanka Deyniile ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaas dhexmaray Ciidamada kala taabacsan Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda Deyniile iyo Guddoomiyaha Waaxda xaafadda Daaru-salaam ee Gobolkaan Banaadir.

Inta la xaqiijiyay shan Askari oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay goobta, halka tirro kalena ay dhaawacmeen, waxaana la sheegay in markii dambe Ciidamo ay kala dhex-galeen labada dhinac oo isku haaya muran dhul.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha ammaanka iyo maamulka degmada deyniile ee Gobolkaan Banaadir oo ku aadan dagaalkii khasaaraha dhaliyey ee maanta ka dhacay Degmadaas.