Wariye Axmed Xuseen Cadoow oo wadne xanuun ugu geeriyooday Muqdisho.

Alle ha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe Isbitaalka Yardameeli ee Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariyer Axmed Xuseen Cadoow oo kamid ahaa Warbahinta Dalsan Media oo malmihii la soo dhaafay xanuunsanaa.

Wariye Cadoow oo Warbaahino kala duwan kasoo Shaqeeyay ayaa waxaa muddo ku dhow 10 Cisho uu la jiifay xanuun ka haayay dhinaca wadnaha, iyada oo dhaqaatiirta ay sheegeen in dalka aan wax looga qaban Karin.

Alle ha u naxariistee Wariyer Axmed Xuseen Cadoow ayaa waxaa u ifka kaga tegay Xaas iyo saddex Carrruur ah, waxaana uu ahaa Nin aad u firfircoon oo dadkii la Shaqeeyay ay sheegeen in uu dabeecad wanaagsanaa, waxaana goordhow lag Aasi doonaa Qabuuraha Iksuul bulusiya ee Magalada Muqdisho.