Wariye Caan Ah Oo Lagu Daldalay Dalka Iiraan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Iiraan ayaa waxa ay daldashay weriye lagu eedeeyay in barnaamij dadku ay farriimaha isugu diraan uu u isticmaalay in mucaaradad uu ku kiciyo.

Ruuxullah Zaam ayaa la marjiyay Sabtidii kaddib markii Maxkamadda ugu sarraysa ee dalka ay meelmarisay xukun dil ah oo ninkaas lagu xukumay, waxaa sidaas ku warramay taleefishinka dowladda.

Ma ay cadda sida lagu xiray Zaam oo musaafuris ugu noolaa waddanka Faransiiska. Waxaa lagu soo warramay in la qabtay kaddib mar uu sanadkii la soo dhaafay u safray waddanka Ciraaq.

Waxa uu maamulayay barta internetka ee Amadnews, halkaas oo ah bar caan ah oo wararka ka doontaan dadka ka soo horjeeda dowladda.

Dowladda Iiraan ayaa waxa ay Amadnews ku eedaysay inay kicinaysay dibadbaxyadii dalka oo dhan ka dhacayay 2017-18.

Shabakaddaas oo ay raacaan in ka badan hal milyan oo qof oo ku xiran bartooda barnaamijka Telegram, ayaa waxa ay dadka la wadaagaysay muuqaallada dibadbaxyada iyo xog waxyeelo gaysan karta oo ku saabsan saraakiisha Iiraan.

Waxaa bartaas xitay dowladda Iiraan, hasayeeshee markii dambe ayaa dib loogu furay magac kale.