Wariyeyaashii ku dhaawacmay qaraxii shalay oo la keenay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho waxaa maanta diyaarad looga soo dajiyay dhaawacyada Wariyaashii shalay wax yeelada ka soo gaartay qarax miino oo lala eegtay kolonyo ay la socdeen , xilli ay marayeen duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Wararka aan helay ayaa sheegaya in xaaladda Wariyaasha ay hadda tahay mid ka wanaagsan sidii hore, iyada oo la Dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa hore ugu balanqaaday wariyaasha in ay heli doonaan baxnaano caafimaad oo aad u Wanaagsan kaas oo maanta u bilowday Fulintiisa.