Wariyihii sida tooska ah usoo tabin jiray dagaalkii Guriceel oo xabsi la dhigay.

Wariye Cabdiweli tooxow

Waxaa uu ahaa weriyaha keliya ee jiidka hore ee dagaal Ahlusunna iyo dowladda kasoo sida tooska ah usoo tabin jiray balse hada xabsiga ayaa la dhigay.

Ciidamada Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa xalay xilli dambe xiray Wariye Maxamed Cabduweli Tooxoow oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgalla degaannada Galmudug.

Ka hor xariga Wariyaha ayaa waxaa la sheegay in uu u yeeray Taliyaha booliska degmada Guriceel dhamme Cusmaan Cali Hudey si uu wareysi uga qaado, balse uu xiray.

Sababaha loo xiray Wariyaha ayaa waxaa lagu sheegay tabintii wararkii la xiriiray hoggaankii Ahlusunna ee Dhawaan Guriceel isaga baxay.

Wariye Cabdiweli tooxow

Wariye Maxamed Cabduweli Tooxoow oo horay ugu sugnaan jiray Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa Guriceel, isaga oo tebinayay dagaaladii halkaasi ku dhexmaray Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Waa markii labaad oo muddo bil Gudahood ah la xiro Maxamed Wariye Cabduweli Tooxoow, iyada oo horaantii Bishaan lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.