MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Istanpul ee dalka turkiga waxaa ay uga qeyb galayaan shirka dhamaystirka Deyn-Cafinta ee Soomaaliya iyo Hay’adaha dhaqaalaha caalamka oo ay hoggaan u tahay IMF.
Shirka oo uu sidoo kale goojoog ka yahay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Duceele beyle ayaa inta uu socdo lagu lafa-guridoonnaa dib-u-habeynta Maaliyadda, iyo shaqooyinka muhiim ka u ah Horumarinta dhaqaalaha dalka oo ay ka mid tahay kobcinta Dakhliga gudaha.
“Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an ka guul-gaaridda Horumarinta maaliyadda oo ku dhisan mistaqbalka wanaagsan ee Bulshada Soomaaliyeed ayuu yiri” Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Geba-gabada shirka ayaa waxaa la filayaa in dhinacyada ay soo saaraan warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku lafa-gureyn shirka, sidoo kale mas’uuliyiinta ka socota Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doona madaxda ka qeyb galeysa shirka..