Wasaaradaha dowladda oo laga jaray lacagtii socod-siinta shaqada iyo madaxda oo billowday cadaadis kale “muxuu yahay?

Wasaaradaha dowladda Soomaaliya ayaanan helin muddo dhowr bil ah lagachii shaqa socodsiinta Qaranka ee Running Coast-ga loo yaqaan sababo la xiriira dhaqaala yari soo wajahday dowladda dhexe.

Wasiirka maaliyadda ee XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dhowaan sheegay in ay dowladdu musallaftay, islamarkaana aysan heli karin wax ka badan mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada.

Bankiga Adduunka, midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya, waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladdu uu dhamaaday, murankii siyaasadeed ee doroashada iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay sameeyeen madaxda dowladda Soomaaliya.

Sida aynu ku helnay xog hoose madaxda wasaaradaha dowladda ayaa hadda billaabaya qorshe ay Agaasimayaashu cadaadis ku saarayaan shaqaalaha hoose iyo kuwa qaata gunnooyinka, taas oo loo raadinayo marmarsiiyo looga jaran karo lacagaha yare e ay qaataan si ay u helaan qarash u dhigma lacagihii Running Coastiga ee laga jartay.