Wasaaradaha Maaliyadda DFS & Dowlad Goboleedyada oo Shir uga furmay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho waxaa Maanta uu shir uga furmay wasiirka Wasiirada Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwadowlad Goboleedyada kajira dalka.

Shirka ayaa waxaa soo agaasimay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur, waxaana looga hadlayaa wadashaqeynta Wasaaradaha Maaliyadda Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed.

Shirkan ayaa yimid kadib markii todobaadkii hore Wasaaradaha Maaliyadda dowlad Goboleedada ay ku dhawaaqeen ina xiriirka u jareen la Shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya.