Wasaaradda caafimaadka oo faah faahisay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa faah faahisay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka halista ee COVID-19, waxaana Isbuucii ugu dambeeyay laga baaray Cudurka 3,410 qof.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Isbuucii ugu dambeeyay laga helay Cudurka COVID-19 323 qof oo ku kala sugan Somaliland 241 qof, Puntland 48 qof, Jubbaland 18 qof, Koonfur galbeed 12 qof, Banaadir 5 ruux iyo Galmudug 5 ruux.

Dadka cusub ee laga Cudurka ayaa 187 kamid ah waxaa ay yihiin Rag, halka 136 kalena ay dumar yihiin, waxaana ka bogsaday 110 qof oo horey ugu dhacay Cudurka, sidoo kalena ay u dhinteen 15 ruux.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 20,900, waxaa bogsootay 9,815, Ruux. guud ahaan 1,152 ruux oo kale ayaa gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka halista ah ee COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka xilgaarsiinta Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.