Wasaaradda Caafimaadka Oo Soo Bandhigtay Tirada Dadka Laga Helay Karoona

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 19 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Gobolada dalka marka laga reebo Muqdisho.

Tirada 48 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 1,250

o Laga Helay: 19

o Somaliland: 11

o Puntland: 5

o Hirshabelle: 2

o Jubbaland: 1

o Lab: 11

o Dhedig: 8

o Dhimasho: 5 (Puntland:3, Somliland:2)

o Bogsashada: 60

Tirada Guud ee Laga Helay: 14,594

Bogsashada Guud: 6,639

Dhimashada Guud: 767

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.