Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo qabatay kulan lagu ansixanayay qorshaha Qaranka ee Istraatiijiyadda Deegaanka ee Dalka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa soo qabanqaabisay kulan lagu ansixanayay qorshaha Qaranka ee Istraatiijiyadda Deegaanka ee Dalka.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay khubaro kala duwan oo ka kala socday Wasaaradaha bahwadaagta la ah Wasaaradda Deegaanka, ururada Bulshada Rayidka, iyo Wasaaradaha Deegaanka ee Maamul Goboleedyada Dalka.
Kulanka oo socday muddo laba maalin ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay Istraatiijiyadda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee 5-ta sano ee soo socoto.

Kulanka ayaa waxaa daahfuray Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Mudane Axmed Yusuf Axmed isaga oo kula dardaarmay khubarada kulanka ka qaybgaleysa in si wanaagsan u falanqeeyaan istraatiijiyadda qaran ee la soo bandhigay.
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa sidii la iskula lafaguri lahaa qodobadda ay ka koobantahay istraatiijiyadda taas oo lagama maarmaan u ah in intaa a la dhaqangelin in khubarado dib u eegis ku sameeyaan, ayna u soojeediya qodobo muhiim ah in lagu biiriyo Istraatiijiyadda.

Qorshaha Qaranka ee Istraatiijiyadda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa koobeysaa Maamul daadajinta deegaanka iyo isbeddelka cimilada, qiimeyn guud lagu sameeyo xaaladada deegaanka ee dalka, hindisaha ilaalinta iyo maareynta deegaanka, kor uqaadidda wacyigelin iyo aqoonta bulshada ee ku aaddan deegaanka.
Qorshan istraatiijiyadda ayaa noqon doonto hanaanka Wasaaradda Deeegaanka ay ku wejihi doonto 5ta sano ee socoto dalka iyada oo mudnaanta kowaad la siin doono sidii loo dhaqangelin lahaa heer federaal iyo heer maamul goboleed ba.