Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo War kasoo saartay Website-kii laga jabsaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa ka hadashay Website-kii Wasaaradda oo xalay burcad Internet ay jabsadeen, kadibna hawada laga saaray.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradda ay dib u soo celisay Mareegta (Website-ka) Wasaaradda www.moci.gov.so oo muddo saacado ah hawada ka maqnaa, kadib markii la jabsaday.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa u mahadcelisay howlwadeenada Wasaaradda iyo Injineerada Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda oo Wasaaradda sheegtay inay kaalin ka qaateen dib u soo celinta Website-kooda.

Sidoo kale Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ka raali gelisay muddadii saacadaha aheyd ee uu hawada ka maqnaa Website-ka Wasaaradda Ganacsiga ee www.moci.gov.so

Markii la furo Website-kii Wasaaradda ayaa waxaa kusoo baxayay fariimo muujinaya in la jabsaday, iyadoona koox aan la aqoonin ay fariimo iyo Sawirro saareen wejiga hore ee Ciwaanka, waxaana farriimaha ay muujinayeen in la joojiyay shaqada Webka.

Wasaaraddaha dowladda ayaan laheyn Sever dowladeed oo xogtooda taallo, iyagoona ku xiray kuwo Ganacsi ahaan loo soo iibsado, waxaana aad u yar farsamada looga difaaci karo weerarada dhinaca Internet-ka.