Wasaaradda shaqada XFS oo daah-furtay mashruuc taageeraya Haweenka heysta ganacsiga yar-yar oo uu sameeyay COVID-19

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahra Xaaji Xuseen ayaa maanta daah-furtay mashruuc taageeraya Haweenka heysta ganacsiga yar-yar oo uu sameeyay COVID-19 ee magaalada Muqdisho, iyada oo lagu siinayo kaalmo ku saleysan lacag caddaan ah iyo taageerid awood dhisid.

Cudurka saameeyay dunida oo dhan ee COVID-19 ayaa wuxuu saameen ku yeeshay Haweenka Soomaaliyeed oo nolashooda ku maareen jiray ganacsiyada yar-yar , wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa waxay ku taageertay deeq la caged oo cadaan ah.