Wasaaradda waxbarashadda oo ka jawaabtay cabasho uga timid macalimiinta.

War-Saxaafadeed kasoo baxay wasaarada wa barashadda hiddaha iyo tacaliinta sare XFS ayaa ka jawaabtay codsi uga yimid macalinta dugsiga.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda.

KA-JAWAABIS CABASHADDA MACALIMIINTA
Isniin, Oktoobar 04, 2021, Marka koowaad mahad oo dhan waxay u sugnaatay Alle SW, oo halkaan nasoo gaarsiiyay annagoo caafimaad qabno, sidoo kale waxaan u mahadcelineynaa macallimiinta had iyo jeer u taagan tayeenta waxbarashada ubadka soomaaliyeed gaar ahaan dajinta, ilaalinta iyo saxida imtixaanka qaranka ee sanad kasto ay qaado Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare taasoo aysan la’aantood suurta geli laheyn in si habsami leh loo qaado.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare, waxay dadaal dheer ugu jirtaa sidii xuquuqdooda ay u heli lahaayeen macalimiinta u dhabar adeegay ka qeyb-qaadashada imtixaanka qaranka waxayna jawaab ka sugeysaa dhigeeda Wasaaradda Maaliyadda annagoo rajeyneyna in dhawaan aad heli doontaan xaquuqdiina ku aadan saxida iyo ilaalinta imtixaanka qaranka.
Haddaba, annaga oo ku kalsoon wada shaqeynteenna waxaan idinka rajeyneynaa in aad sidaas ula socon doontaan.