Wasiir Bayle oo diiday inuu tago xafiiska xeer ilaalinta guud

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo qoraal soo saaray ayaa diiday in uu beri tago Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud oo dhawaan looga yeeray isaga oo sababeeyay waxa uu ku diiday.

Wasiir Bayle ayaa qiray iney soo gaartay warqad uga timid xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, wuxuuse si cad u sheegay inuusan u tageynin.

“Sida uu qabo qodobka 3-aad farqadiisa 2-aad, xarafka B, oo sharaxa dhismaha xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda. Garyaqaanka guud ee dowladda wuxuu masuul ka yahay difaacida dowladda iyo xubnaha u shaqeeya, maxkamadaha hortooda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Beyle.

Bayle ayaa sheegay iney ku jiraan qaladaad dhinaca sharciga ah warqada ka soo baxday xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, isagoo tilmaamay in garyaqaanka guud ee dowladda uu la wadaagayo wixii macluumaad ah ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranku uu uga soo baahdo.