Wasiir Beyle Iyo Mas’uuliyiin Katirsan QM Oo Ka Shiray Qarashaadka Ku Baxaya Doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shaaca ka qaaday in aaladda fogaan aragga ay shir ku wada qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, kaasi oo ay kaga wada hadleen dar dargelinta hannaanka doorashooyinka ee dalka iyo inay ka qeyb qaataan qarashaadka ku baxa doorashada.

“Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan Qarashaadka ku baxaya Doorashooyinka Qaranka la yeelanay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, iyadoo ay shirka igu wehlinayeen qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dalka, waxaa naga go’an in aan si wadajir ah uga wada shaqeyno howlaha lagu Horumarinayo hannaanka Dowladnimada”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa xusay in Madaxda Wasaaradda Maaliyadda dalka ay ka go’antahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo dadaallada lagu horumarinayo hannaanka dowladnimada dalka.