Wasiir Beyle oo Arrimaha Deyn Cafinta kala hadlay Bangiga Adduunka & Hey’adda IMF

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta sare ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF.

Mas’uuliyiinta uu Wasiirka la kulmay ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha guud ee Maamulka IMF Kristalina Georgieva iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka, dhinaca Afrika Hafez Ghanem, iyaga oo ka wda hadlay  sidii lagu horumarin lahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle ayaa warbixino ka siiyay madaxda uu la kulamay ee IMF iyo Bangiga Adduunka horumarka Soomaaliya ka samaysay dhawrkii sano ee la soo dhaafay dib – u – habeynta dhaqaalaha dalka iyo Mashaariicda horumarineed ee ka socda Soomaaliya.

“Waxa aan kulamo muhiim ah, oo kala gooni ah, misna miro dhal ah la qaatay masuuliyiinta sare ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF ayuu yiri” Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa uga mahad celiyay dhammaan hey’adaha dhaqaalaha Adduunka iskaashiga xooggan ee kala dhexeeyo iyo ka qeyb qaadashadooda ah in la gaaro Goobta kama dambeysta ah ee Deyn-Cafinta Soomaaliya.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay ku mashquulsan tahay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay, iyada oo ay jiraan dalal ka cafiyay, halka kuwa weli ku harsan ay wada-hadal la geli doonto Xukuumadda soo socota maadama haatan xilli doorasho lagu jiro.