Wasiir Beyle Oo Beeniyey in Dowladda Soomaaliya Laga Joojiyey Lacagihii Taageerada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya CabdiraxmaanDucaale Beyle, oo marti ku ahaa barnaamij dood ah, oo ka baxa Telefishinka dowladda, ayaa sheegay in wasaaraddiisu ka shaqaynayso in hantida dawladda aan si qaldan loogu adeegsan doorashada soo socota ee heer federaal.

Wasiir Beyle waxaa uu sheegay in hdowrkii bilood ee la soo dhaafay dowlado dhowr ah oo ka tirsan Yurub iyo Afrika ay dowladda Soomaliya sitoos ah u soo garsiiyeen lacago farabadan.

Sidoo kale wasiir Beyle, Waxa uu sheegay in Qarashka ku baxaya doorashada dhammaystirkeeda ay ka wada shaqaynayaan Beesha caalamka iyo dowladda 27-da bishan, si loo diyaariyo lacagta doorashada oo lagu qiimeeyey ilaa 40-milyan oo Doller, islamarkaana dawladdu bixinayso 10% oo u dhiganta 4-milyan oo Doller, taas oo lagu caddeeyey miisaaniyadda 2021-da.

Sanadka cusub ee 2021 ayuu sheegay inay jiran dowlado Soomaliya u balan qaaday lacago dhowr ah, isla markaana warraka la faafiyay ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin.

Dhinaca kale, wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in aanay jirin dowlad ama hay’ad caalami ah oo Soomaaliya ka joojisay lacag ay siin jirtay sabab la xiriirta doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana uu xusay in xiriirka wada shaqayneed ee Soomaaliyada la leedahay Bankiyada caalamiga ah iyo hay’adaha dhaqaalaha adduunka uu yahay mid wanaagsan.

“Ma jiri doonto lacag aan intaas ahayn in loo istcimaalo doorashada, mana dhici karto, wasiirku xitaa qasnadda dawladda lacag kama saari karo hannaanka maaliyadeed baa diidaya” ayuu yiri wasiir Beyle.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli muran uu ka taagan yahay doorashada Soomaaliya, isla markaana dowladdaha taageera Soomaliya ay saamileydsa siyaasadeed ku cadaadinayaan in xal laga gaaro khilafka doorashada.