Wasiir Beyle oo Jaamacadda Carabta kala hadlay Arrimaha deyn Cafinta Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAH-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ku sugan Magaalada Jeddag ee wadanka Sacuudi Carabiya ayaa la kulmay Agaasimaha guud ee Sanduuqa Dhaqaalaha iyo Horumarinta Arimaha Bulshada ee wadamada Carabta Dr. Bader Alsaad oo ah.

Kulanka ayaa waxaa ay ka wada hadleen dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka Deyn-Cafinta oo hey’adaha dhaqaalaha Carabtu ay qeyb muhiim ah ka yihiin.

Wasiir Byele ayaa u mahad celiyay Agaasimaha guud ee Sanduuqa Dhaqaalaha iyo Horumarinta Arimaha Bulshada ee wadamada Carabta dadaalkooda ku aadan sidii deynta looga cafin lahaa Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay ku mashquul saneyd sidii Soomalaiya looga cafin lahaa deynta, waxaana jira dalal dhowr ah oo ka cafiyay wallow dalal badan ay harsan yihiin.