Wasiir Beyle oo mas’uuliyiin katirsan dowladda libya kala hadlay Arrimaha deyn cafinta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta waxaa uu la kulmay safiirka wadanka Libya  ee Soomaaliya Yuusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna u qaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya.

Wasiir Beyle iyo labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen  arrimaha dhaqaalaha iyo Deyn cafinta oo Libya ka mid tahay wadamada Carabta ee deynta kuleh Soomaaliya.

Sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Libya iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaa arrimaha Gobolka .

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahad celiyay labada mas’uul kulankooda, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay dalalka Afrika.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aya dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay waday dadaalkeeda ku aadan sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa, waxaana lagu guuleystay dalalka qaar oo ka cafiyay halka kuwo kale ay u harsan yihiin.