Wasiir Beyle oo xaqiijiyey in dagaal lala galay ku waayey Kursigiisii Xildhibaanimo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa waxa uu ka hadlay maanta saxaafada mar uu la hadlay arimo dhowr ah oo qaarkood aad loogu baahnaa waxa ka jira.

Beyle ayaa xaqiijiyey inuu waayey kursigii xildhibaanimo uu ku fadhiyo xilli aan la gaarin doorashada kursigaasi uu ku fadhiyey.

Sababta ugu weyn uu uga niyad jabay in kursigaasi difaacan waayey ayuu ku micneeyey in dagaal toos ah lala galay.

Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa cod dheer ku sheegay in dagaalkaasi uu ku waayey shakhsiyaad xilal hayey arimaha miisaaniyada dalka oo ay soo fara geliyeen.

Waxa uu sheegay in kursiga uu ka tanaasulay markii uu arkay in culeys lagu saaray maaliyada uu joogay oo fara gelin qaawan lagu soo sameeyey.

Kursiga sumadiisu tahay Hop#201 Beylena uu ku fadhiyey ayaa waxa maanta loo doortay Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ahaa shakhsigii maalmo ka hor ujawaabay senetor Cabdi Ismaaciil Samatar,iyadoo Abiib uu wato Abuukaato Mahdi Guuleed Khadar.