Wasiir Fiqi “Caddaaladda oo si tartiib-tartiib ah dib ugu soo laabatay” kadib doorashadii Xasan Sheekh

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa soo  dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud uu dib ugu celiyay Derajooyinkii & Xuquuqdii Ciidan ee uu ka xayuubiyay Madaxweynihii ka horreeyay ee 9aad Maxamed Cabdullaahi Farmaajo April 2021.

Axmed Fiqi ayaa arrintaan ku tilmaamay “Caddaaladda oo si tartiib-tartiib ah dib ugu soo laabatay” si ay xuquuqdooda u helaan Dadkii “lagu xaq duudsiiyay sifo aanay sharci ahayn” sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka.

Isaga oo sii hadlayay Wasiir Axmed Macalin Fiqi wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay xilligaan u baahan yihiin inay helaan cadaalad, sidoo kalena laga yareeyo lacagaha tirada badan oo ay ka qaadaan Maamulka Gobolka Banaadir & Maxkamadaha ka howlgalla dalka.

“Waxa aan rabaa in aan u hambalyeeyo halkaan Caddaalad u soo laabatay Gen. Saadaq Joon oo ah Xildhibaanka Saaxiibkeen ah oo caawa dib ugu soo laabatay derajadiisa sida dambiga ah ee xaqdarrada ah looga qaaday markii uu kahor yimid dulmigii dalka ka jiray, waxa aan rajeyneenaa in qof weliba caddaaladdii luntay oo dhan in tartiib-tartiib dib loogu soo celiyo ayaan rajeyneenaa” Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa dhanka kale sheegay in uu socdo qorshe dib derajooyinka ciidan loogu celinayo  Gen. Cabdalla Cabdalla oo sidaas oo kale uu ka xayuubiyay Madaxweynihii 9aad JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Jeneraal kale ayaa jiray oo Cabdalla Cabdalla la yiraahdo oo aan isagana rajeyneyno in derajooyinkiisa dib loogu celiyo, waa caddaaladda oo dib ugu soo laabaneysa si tartiib-tartiib ah si loo helo caddaaladdii luntay oo dhan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS.

Sidookale wasiir Fiqi waxaa uu sheegay inay jiraan Maxkamado ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaanka Basra ee Aaga degmada Deyniile iyo degaano kale oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo dadka lacago ay uga qaadaan.

Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay waajib ku tahay in muddo laba sanadood gudahood ah inay ku baabi’iso Maxkamadaha Al-Shabaab ku leeyihiin Shabeellaha Hoose & Magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi wuxuu ka sheegay kulan lagu soo dhaweeynayay Wasiirka Cadaaladda & Dastuurka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.