Wasiir Janan Oo Loogu Baaqay In Si Deg Deg Ah Uga Baxo Mandheera

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaar ka mid ah shacabka magaalada Mandera ee woqooyi bari Kenya ayaa maamulka dowladda dhexe ee kenya u gudbiyay cabasho ku aadan ciidamo ay sheegeen in ay saldhigyo ka sameysteen beero ay leeyihiin dad shacab ah oo ku yaal duleedka magaaladaasi Mandera.

Golaha muslimiinta ee Kenya ee loo soo SUPKEM laanteeda Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa cabasho u gudbiyay dowladda dalkaasi oo ka dhan ah wasiirka amniga Jubaland ee Cabdirashiid Janan.

Dadkaan waxay sheegeen in Kenya iyo Soomaaliya dagaal ka dhex qarxa aysan faa’iido u arkeynin,iyagoo C/rashiid Janan iyo Ciidankiisa u arkaan mid dhibaato magaaladooda usoo jiidaya.

Waxaa laga dhowrayaa Jawaabta Dawlada Kenya ay kasoo saarto Baaqa kasoo yeeray Shacabka Mandheera,xilli Xukuumada Nairobi la sheegay in ay garab iyo gaashaan utahay Janan.

Dhawaan Wasiir Janan wareysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay in Duleedka Beled xaawo kusugan yahay balse dadka Mandheera deggan maanta waxay sheegeen in gudaha Magaaladooda uu joogo C/rashiid Janan.