Wasiir Janan Oo Madaxweyne Farmaajo Ugu Baaqay In Uu Iscasilo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Cabdirashiid Janan Wasiirka Aminiga maamulka Jubbaland ayaa si kulu uga hadlay Ciidamo ay dowladda Soomaaliya ku daabushay Gobolka Gedo, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay si is daba joog ah uga dagayay Goroonka Degmada Dolow.

Waxaa uu ka hadlay Wasiir janan arrimo dhowr ah oo ku aaddan Ciidanka dowladdu ay halkaasi gaysay iyo sababaha ka dambeeya ee Ciidanka halkaasi loogu daabulay.

Wasiir Janan ayaa sheegay in wixii dhibaato ah oo ka dhasha ciidankaas ay mas’uuliyadooda qaadi doonaan Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in meeshii uu degaan ahaan uu kasoo jeeday uu ciidamo ku qabsanaayo.

Waxaa uu sheegay in Gobolka Gedo uusan u baahnayn Ciidan lagu daabulo, waxaana uu intaas ku daray in Ciidanka dowladda Soomaaliya ay gaysay Gobolka Gedo looga baahan yahay degaanada ay Al-shabaab iyo Ciidanka dowladdu ku dagaalaamayan.

Ugu dambeyntii waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha in uu iscasilo, oo uu qaato talooyinka uga imaanaya bulshada Soomaaliyeed si uusan dalku u burburin.