Wasiir Ka Tirsan Galmudug Oo Hal Arrin Darteed Xilka Looga Qaaday.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Mohamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Cali Daahir ayaa xilka looga qaaday Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), isagoo eedeyn loo jeediyay.

Wasiir Cabdi Waayeel ayaa lagu eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, isla markaana Go’aan lagu gaaray xilka qaadis lagu sameeyo Wasiirka, sida ku sheegtay Wareegtada.

Xil ka qaadistan ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka Balanbale oo la isku qabsaday qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay.