Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo ‘Hal Arrin’ Darteed Isku Casilay

GAROWE-AYAAMAHA-Wasiirkii Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaan iska Casilay xilkii Wasiirnimo ee Puntland.

Sababaha uu isku casilay Wasiirka ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxweynaha Puntland ay isku fahmi waayeen Nidaamka shaqo ee Wasaaradda Kalluumeysiga, taas oo ku dhalisay in uu xilka ka tago.

Sidoo kale Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa waxaa uu Madaxweyne Deni u gudbiyay warqadiisa is casilaada, wuxuuna rajeeyay in uu ka aqbali doono Codsigiisa.

Maxamuud Xaaji Saalax ayaa Qoraalka uu soo saaray waxaa uu shacabka iyo dowlad Goboleedka Puntland uu u rajeeyay horumar, Nabad iyo Barwaaqo, isagoo u mahadceliyay shaqaalihii Wasaaradda uu xika ka haayay.

Si kastaba Wasiirkii Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland ayaa kal horey waxaa lagu sameeyay shaqo joojin, kadib markii uu isaga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas uu dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray.