Wasiir ka tirsan xukuumada Rooble oo ciidamada dowladda ku eedeyey arrin halis ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cumar Cali Rooble  oo ah wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyey ciidamada dowladda federaalka ee ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ee loo xil-saaray nabadda ay lacago baad ah ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaadiidka isaga kala gooshaya caasimada, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan karin.

“Goobaha hubinta ciidamada amniga u xilsaaran ee jooga waxaa ka socda dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan Karin, Gaadiidkii iyo weliba mootadii aan lacag dhiibin magaalada uma gudbi karaan, telefoonka haddii aan lacag kusoo dhicin dib u laabo wax la aqbali karo ma aha waana in wax laga qabtaa” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Hadalka ayaa imaanaya kadib markii inta badan isgoysyada magaalada Muqdisho ay haatan ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo mararka qaar waddooyinka ka celiya gaadiidka noocyadiisa kala duwan, taas oo saameyn daran ku yeelata shacabka.