Wasiir katirsan Koonfur Galbeed oo Xildhibaan loo doortay

BAYDHABO-AYAAMAHA-Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka sicota doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay Jubbalane.

kursiga HOP126 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Xasan Idiris Ganeey ayaa waxaa ku tartakay Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Eelaay & Cabdiraxman Macalin Xuseen, waxaase kursiga ku guuleystay Xasan Xuseen Maxamed Eelaay.

Doorashada oo ka dhacday Hoolka Daawa ee Magaalada Kisnaayo ayaa Xasan Xuseen Maxamed Eelaay wuxuu helay  codad gaaraya 74 cod halka  Cabdiraxman Macalin Xuseen uu isna helay 21 cod waxaa halaabay 5 cod.

Kursiga Hop126 ayaa waxaa lagu qanciyay in uu isaga haro tartankiisa Maxamed Xasan Idiris Ganeey, waxaana Kursi kale ku kala bedeshay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.