Wasiir katirsan Xukuumada Xamza oo hal arrin darteed isku Casilay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiiru dowlaha wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caano-nuug) ayaa iska casilay xilkii wasiiru-dowlaha wasaaradda.

Wasiir (Caana-nuug) ayaa sida uu ku caddeeyay qoraalka uu soo saaray uga hadlay iscasilaadiisa oo uu gudbiyay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre .

Xildhibaan Caano-nuug ayaa sababta uu isku casilay ku sheegay n damiirkiisu siin waayay inuu ka sii tirsanaado Xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada sid uu hadalka u dhigay.