Wasiir Khadiijo Diiriye oo lagu heley cadeymo ah shaqaalahii laga eryey Wasaaradda Gargaarka.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gargaarka Oo Xaqiijiyay Eeda Loo Jeediyay Khadiijo Diiriye
Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gargaarka Oo Xaqiijiyay Eeda Loo Jeediyay Khadiijo Diiriye

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa xaqiijiyay in shaqada Wasaaradda Gargaarka laga eryey 16 shaqaale oo ka tirsanaa Wasaaraddaas.

War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maraynta Musiibooyinka ayaa lagu sheegay in 16-kii shaqaale ah Wasaaradda looga eryay sifo sharci-darro ah.

Waxaa uu Wasiirka sheegay in shaqaallahaasi ay sii wataan shaqadooda inta ay Caddaalad ka helayaan, islamarkaana dacwad ay ka gudbiyeen wasiirka.

Cabdirashiid Maxamuud ayaa tilmaamay in tallaabada shaqada looga saaray16-ka xubnood ay baalmarsan tahay, kana horimaaneyso Amarka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda 26-kii bishii shanaad ee 2021, wxuuna intaas kusii daray in Natiijada baarista cabashada shaqaalaha ay la wadeen xafiisyada ay khuseyso.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Qoraal kasoo baxay Agaasimeyaasha Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka lagu sheegay inay been abuur tahay Eedeynta 16 shaqaale ka tirsan Wasaaradda u jeediyeen Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.