Wasiir Rooboow oo soo bandhigay naqshada keliya ee Shabaab lagu ciribtiri karo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka diinta iyo awqaafta dawladda Soomaaliya Mukhtaar Rooboow abu Mansuur oo maanta ka hadlayey kulan loogu baroor diiqayey hogaamiyeyaashii macawiisleyda ee lagu dilay Gobollada hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa soo bandhigay istaraatiijiyad looga adkaan karo Al Shabaab.

Sheekh Mukhtaar Abu Mansuur ayaa cod dheer ku sheegay in fikirka ay al shabaab hadda ku dhaqmayaan uu yahay mid ka fog diinta islamarkaana ay soo jeedinayaan in lala dagaalamo.

Wasiir Rooboow ayaa sheegay in dadku ay ogaadaan in nafta mar uun ay bixi doonto balse aysan ka cabsan geerida sidaas awgeedna ay nafta huraan oo ay muujiyaan gobanimo in lagu noolaado la iskana dul qaado al shabaab.

Waxa uu sheegay wasiirka diinta in haween iyo shacab intuba gacmaha la isqabsado lagana baxo cabsida lagu jiro oo shabaab lagu ciribtiro keliya in lala dagaalamo.